Ku saabsan Shahaadada Waxbarashada Victoria (About the Victorian Certificate of Education) - Soomaali (Somali)
Baro wax badan oo ku saabsan barashada VCE-da iyo halka ay ku geyn karto.
On this page
- Halka ay ku geyn karto
- Dookhyadaada VCE-da
- Waxa aad heli doonto
- Macluumaad dheeraad ah
- Waddooyinka kale
Shahaadada Waxbarashada Victoria (The Victorian Certificate of Education - VCE) waxay bixisaa xulashooyin kala duwan oo waxbarasho ah.
Waxaad ka dooran kartaa daraasado kala duwan oo kuu ogolaanaya inaad sahamiso danahaaga isla markaasna aad raacdo yoolalkaaga.
Mawduucyada 1 iyo 2 waxaa badanaa lagu bartaa fasalka 11aad, cutubka 3 iyo 4 maadooyinka kala ah waxaa badanaa lagu bartaa fasalka 12aad.
Dhameystirida VCE-da waxay ku siin kartaa buundada ATAR, oo ku siinaysa dariiq toos ah oo aad jaamacadda ku aadi karto.
VCE-du waxay ku geyn kartaa jihooyin badan oo kala duwan dugsiga ka dib waana xulasho fiican haddii aad doorbidayso inaad wax ku barato jawiga fasalka oo aad ogtahay inaad rabto inaad jaamacad gasho isla markii aad dugsiga dhameyso.
Halka ay ku geyn karto
VCE-da ayaa kuu diyaarin doonta:
- jaamacad
- shaqo-barasho ama tababar
- waxbarasho iyo tababar dheeraad ah
- si toos ah inaad u biirto shaqaalenimo.
Dookhyadaada VCE-da
Si aad u hesho VCE-da, waxaad u baahan tahay inaad dhammayso ugu yaraan 16 unug (unit). Kuwan waxaa loo baahan yahay inay ku jiraan:
- 3 taxane oo maadooyinka cutubka 3 iyo 4 ah
- 3 cutub oo ka socota maado Ingiriiska ah (oo ay ku jiraan Cutubka 3 iyo 4).
Ardayda badankoodu waxay sameeyaan VCE-da in ka badan 2 sano, iyagoo dhammeeya inta u dhaxaysa 20 iyo 24 unug.
Dugsi kastaa wuxuu go’aamiyaa maaddooyinka VCE-da iyo dookhyada daraasadda VET ee ay bixiyaan, oo dugsiyada dhamaantood ma bixiyaan waxbarashada oo dhan. Ka hubi dugsigaaga wixii ku saabsan waxbarashada la bixin doono.

Doorashada maadooyinka 11aad iyo 12aad (Choosing Year 11 and 12 subjects) - Soomaali (Somali)
Baro wax badan oo ku saabsan xulashooyinkaaga doorashada maaddooyinka sanadka 11aad iyo 12aad ee Victoria.

Sida waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarku ugu habboon yihiin fasalka 11aad iyo 12aad (How VET fits into Year 11 and 12) - Soomaali (Somali)
Baro wax badan oo ku saabsan sida VET ugu habboon tahay daraasadaha kale ee Year 11 iyo 12 ee Victoria.
Waxa aad heli doonto
Markaad dhameyso waxbarashadaada, waxaad heli doontaa:
-
Dhibcaha Ogolaanshaha Jaamacadaha Australia (ATAR) * (haddii aad ka soo baxdo shuruudaha)
-
Bayaanka Natiijooyinka ee VCAA
-
Bayaanka Guusha (a Statement of Attainment) * ee ka soo baxay TAFE-gaaga (haddii aad dhammaystirtay cutubyada VET)
-
Shahaadadaada VET (haddii aad mid buuxisay)
-
Shahaadadaada Waxbarashada Victoria.
Ardayda aan dhamaystirin shahaadada waxay heli doonaan Profile-ka Guusha Ardayga oo kooban taas oo ay ku taxan yihiin dhammaan guulahoodii.
Open all
- Waa maxay buundada ATAR?
ATAR waxaa xisaabiya Victorian Tertiary and Admissions Center oo keliya si ay ugu isticmaalaan machadyada jaamicadeed si laisugu barbar dhigo guusha guud ee ardayda dhammaystay isku darka kala duwan ee daraasaadka VCE-da.
- Waa maxay Bayaanka Gaaritaanka?
Bayaanka Gaaritaanka (A Statement of Attainment) ayaa la siiyay ardayda qaadatay VET-ga TAFE ama urur kale oo tababar sameeya. Bayaanka ayaa taxaya dhammaan unit yada lagu baaso koorasyada lagu aqoonsaday Qaabdhismeedka Shahaadooyinka Australiya (Australian Qualifications Framework - AQF).

Waddada Deshi ee VCE (Deshi’s VCE pathway) - Soomaali (Somali)
Tusaale ah arday bartay VCE.
Macluumaad dheeraad ah
Kala hadal la-taliyaha shaqo ee dugsigaaga sida loo dhiso barnaamijkaaga VCE si uu kuugu habboonaado.
Waddooyinka kale

E fa’atatau i le VCE Matata Eseese (About the VCE Vocational Major) - Soomaali (Somali)
O le VCE ua aofia ai nei ma le Matata Eseese, o se polokalame fou e lua tausaga e fa’afoe ai i totonu o le VCE.

Ku saabsan Shahaadada Wadooyinka Victoria (About the Victorian Pathways Certificate) - Soomaali (Somali)
Baro wax badan oo ku saabsan VPC iyo halka ay ku geyn karto.
Updated 27 March 2026
About the VIC Government
- The Premier and ministers
- Find a Vic Gov department, agency or service
- Strategies and policies
- Inquiries and royal commissions
Grants and programs
Jobs and careers
Arts, culture and heritage
Business and the workplace
- Mentally Healthy Workplaces Framework
- Portable Long Service Authority
- Victoria’s racing industry
- Workforce Inspectorate Victoria
- Liquor licensing, sale and supply
Communities
- Children
- First Peoples - State Relations
- Finding records
- Gender equality & women’s leadership
- LGBTIQA+ equality
- Multicultural communities
- Seniors Online
- Veterans support and commemoration
- Volunteering in Victoria
- Youth Central
Education and training
- Victorian Early Childhood Regulatory Authority
- Early childhood education – information for professionals
- Kinder: Best Start, Best Life
- Education – information for parents
- Schools.Vic - information for schools
- Education grants, programs, awards and events
- PROTECT
- TAFE, training and universities sector
- TAFE Victoria
- Victorian Skills Authority
- Apprenticeships Victoria
- Learn Local
Environment, water and energy
Finance and economy
Health and social support
- Family violence reform
- NDIS Worker Screening Check
- NDIS and disability services and support in Victoria
- Patient Review Panel
- Transforming Trauma Victoria
Housing and property
Law and justice
- Adoption
- Births, deaths and marriages
- Honorary justices
- Machete ban
- Safeguarding Victorians against terrorism
- Stolen Generations Reparations Package
- Victims of Crime
- Victorian Racing Tribunal
Safety and emergencies
- Emergency Recovery Victoria
- Victorian Emergency Relief and Recovery Foundation
- Emergency Recovery Resource Portal
- How well do you know fire
- Fire Services Reform
- Water safety
- Marine Search and Rescue
Science and technology
- Data sharing and open data
- Data.vic - discover and access Vic Gov open data
- Developer.Vic - portal for API developers
- Go.vic URL shortener
- Vic Gov IT project dashboard
- Victoria’s free public wi-fi network
- Cyber security in the Victorian Government
Sport and recreation
Traffic and transport
- Cameras Save Lives
- Transport Fines
- Getting Around
- Transport Planning
- Transport Future
- Climate Change and transport
- Future Directions For Transport
- Transport projects
- Ports and Freight
Working in the Victorian Government
- Single Digital Presence home
- Accommodation and Library Services
- Executive employment in the Victorian public sector
- Budget, procurement and funding
- Careers in the Victorian Government
- Council and Regulator Toolkit
- Guidelines for working in government
- Join a government network
- Standards and guidelines
- VicFleet CarPool
- Victorian Government style guide