Maadooyinka Muhiimka ah ee VCE VM (VCE VM Core Subjects) - Soomaali (Somali)
Kuwani waa 4-ta maaddooyin ee ugu muhiimsan VCE-da Farsamada Gacanta. Laga bilaabo 2025, dugsiyadu waxay awood u yeelan doonaan inay siiyaan Xirfadaha La xidhiidha Shaqada VM iyo Xirfadaha Horumarinta Shakhsi ahaaneed ee VM ardayda guud ee VCE si ay ugu daraan barnaamijkooda, maaha kaliya ardayda Farsamada Gacanta ee VCE.
Akhriska iyo Xisaabinta (Literacy and Numeracy) ayaa la heli karaa oo keliya haddii aad doorato inaad sameyso barnaamijka weyn ee VCE-da oo buuxa.
Xirfadaha La Xiriira Shaqada
Mawduucani waxa uu kaa caawinayaa in aad guul kaga gaarto aduunyadan aan ku noolnahay ee laga shaqeysto iyo waxbarashada ee sida xawliga ah isu bedelaya. Waxaad sahamin doontaa fursado shaqo oo kala duwan, waxaad samayn doontaa qorshe hawleed shaqo, oo waxaad dhisi doontaa xirfado shaqo raadis ah.
Waxaad wax ka baran doontaa goobaha shaqada ee la wanaajiyay isla mar ahaantaasna badbaadada leh, xuquuqdaada shaqada, iyo sida loo taageero dadka aad la shaqeyso. Waxaad dhisi doontaa xirfadaha wada hadalka iyo wada shaqeynta waxaadna baran doontaa sida looga gorgortamo xiriirka goobta shaqada ee muhiimka ah.
Waxa kale oo aad aqoonsan doontaa waxyaabaha aad ku fiican tahay isla markaasna waxa aad baran doontaa sida waxyaabahaas xooga loo saari karo marka aad gudbinayso codsi iyo waraysiyada. Waxaad abuuri doontaa faylal xirfad leh oo loogu talagalay waxbarasho dheeraad ah iyo codsiyo shaqo.
Xirfadaha Horumarinta Shaqsiyeed
Mawduucan, waxaad ku baran doontaa sida aad door firfircoon ugu ciyaari lahayd bulshadaada. Waxaad sidoo kale abuuri doontaa faham qoto dheer iyo dareenka aqoonsigaaga iyo booska aad kaga jirto adduunyada.
Waxaad sahamin doontaa sida bulshooyinku u wada shaqeeyaan haday noqon lahayd heer maxalli, heer qaran iyo heer caalami ah ba. Waxaad tan ku dabaqi doontaa adiga oo qorsheynaya mashruuc aad ku caawinayso bulshadaada, adoo ka mid ah koox ay ka kooban yihiin arday kale.
Mawduucan wuxuu sidoo kale kaa caawin doonaa inaad wax ka barato oo aad dhisto garaadkaaga shucuureed, wacyiga bulshada, iyo tayada hogaaminta. Xirfadahaan xiriirka ayaa kaa caawin doona inaad guul kaga gaarto goobta shaqada, waxbarashada dheeraadka ah sida jaamacadda ama TAFE, iyo noloshaada gaarka ah.
Aqoonta
Mawduucan, waxaad horumarin doontaa xirfadahaaga akhriska, qorista, hadalka iyo dhegeysiga siyaabo dhowr ah oo kala duwan, si markaas aad u ururiso oo aad ula wadaagto macluumaadka qaab hufan.
Waxaad falanqeyn doontaa oo aad tarjumi doontaa daabacaada, muuqaalka, hadalka, dhijitaalka ah iyo macluumaadka warbaahinta badan, taas oo hormarin doonta awooda aad u leedahahay inaad wax ku fahamto oo aad abuurto wadahadal/isgaarsiin waxtar leh.
Mawduucan wuxuu kaa caawin doonaa inaad kobciso kalsoonida xirfadahaaga wada-hadalka qoraalka ah iyo kan hadalka ah ba. Tani waxay kuu diyaarin doontaa inaad ku guulaysato goobo kala duwan, oo ay ku jirto shaqadu.
Tirada/Nambarada (Numeracy)
Mawduucan, waxaad ku kobcin doontaa fekerka macquulka ah iyo caqli-galnimada, iyo awoodda lagu xalliyo dhibaatooyinka maalinlaha ah. Waxaad sahamin doontaa aragtiyaha xisaabta, tirooyinka daboolaya, cabbirka, qaababka, iyo xogta.
Waxaad xoojin doontaa xirfadahaaga xisaabinta oo aad taas u adeegsan doontaa xaaladaha dhabta ah ee adduunka. Waxaad baran doontaa inaad ku dabaqdo aqoontan hawlaha maalinlaha ah, shaqada, iyo bulshada.
Xisaabinta waxay kuu diyaarin doontaa qaybo badan oo muhiim ah oo nolosha ka mid ah, sida xisaabinta shakhsi ahaaneed, isbarbardhigga fursadaha wax iibsiga, buuxinta shuruudaha canshuurta iyo qorsheynta.
Waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarka (Vocational education and training - VET)
Arday kasta oo VCE-da ah oo ku takhasusay xirfadda waxa kale oo ay barnaamijkooda ku daraan VET. Tani waxay ku siinaysaa xirfado wax ku ool ah oo ku saabsan warshadaha aad xiisaynayso, iyo bilawga xirfadaada shaqo.
Vocational education and training (VET)
Every VCE Vocational Major student also includes VET in their program. This gives you practical skills in an industry you’re interested in, and a head start on your career path.

Sida waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarku ugu habboon yihiin fasalka 11aad iyo 12aad (How VET fits into Year 11 and 12) - Soomaali (Somali)
Baro wax badan oo ku saabsan sida VET ugu habboon tahay daraasadaha kale ee Year 11 iyo 12 ee Victoria.

E fa’atatau i le VCE Matata Eseese (About the VCE Vocational Major) - Soomaali (Somali)
O le VCE ua aofia ai nei ma le Matata Eseese, o se polokalame fou e lua tausaga e fa’afoe ai i totonu o le VCE.
Updated 27 March 2026
About the VIC Government
- The Premier and ministers
- Find a Vic Gov department, agency or service
- Strategies and policies
- Inquiries and royal commissions
Grants and programs
Jobs and careers
Arts, culture and heritage
Business and the workplace
- Mentally Healthy Workplaces Framework
- Portable Long Service Authority
- Victoria’s racing industry
- Workforce Inspectorate Victoria
- Liquor licensing, sale and supply
Communities
- Children
- First Peoples - State Relations
- Finding records
- Gender equality & women’s leadership
- LGBTIQA+ equality
- Multicultural communities
- Seniors Online
- Veterans support and commemoration
- Volunteering in Victoria
- Youth Central
Education and training
- Victorian Early Childhood Regulatory Authority
- Early childhood education – information for professionals
- Kinder: Best Start, Best Life
- Education – information for parents
- Schools.Vic - information for schools
- Education grants, programs, awards and events
- PROTECT
- TAFE, training and universities sector
- TAFE Victoria
- Victorian Skills Authority
- Apprenticeships Victoria
- Learn Local
Environment, water and energy
Finance and economy
Health and social support
- Family violence reform
- NDIS Worker Screening Check
- NDIS and disability services and support in Victoria
- Patient Review Panel
- Transforming Trauma Victoria
Housing and property
Law and justice
- Adoption
- Births, deaths and marriages
- Honorary justices
- Machete ban
- Safeguarding Victorians against terrorism
- Stolen Generations Reparations Package
- Victims of Crime
- Victorian Racing Tribunal
Safety and emergencies
- Emergency Recovery Victoria
- Victorian Emergency Relief and Recovery Foundation
- Emergency Recovery Resource Portal
- How well do you know fire
- Fire Services Reform
- Water safety
- Marine Search and Rescue
Science and technology
- Data sharing and open data
- Data.vic - discover and access Vic Gov open data
- Developer.Vic - portal for API developers
- Go.vic URL shortener
- Vic Gov IT project dashboard
- Victoria’s free public wi-fi network
- Cyber security in the Victorian Government
Sport and recreation
Traffic and transport
- Cameras Save Lives
- Transport Fines
- Getting Around
- Transport Planning
- Transport Future
- Climate Change and transport
- Future Directions For Transport
- Transport projects
- Ports and Freight
Working in the Victorian Government
- Single Digital Presence home
- Accommodation and Library Services
- Executive employment in the Victorian public sector
- Budget, procurement and funding
- Careers in the Victorian Government
- Council and Regulator Toolkit
- Guidelines for working in government
- Join a government network
- Standards and guidelines
- VicFleet CarPool
- Victorian Government style guide