Mini vic.gov.au

This is a low bandwidth version of vic.gov.au. Contents may not be up to date. © Copyright State Government of Victoria

Xushmad, amaan, hawlkarnimo: rajooyinka laga wada siman yahay ee lagu taageerayo dhaqanka ardayga - Soomaali (Somali)

On this page

Si wada jir ah, ayaa waxaan u sameysan karnaa iskuulo nabdoon oo uu qof kastaa ku dareemayo inay ayagu leeyihiin, wax ku baranayo, kuna horumarayo.

Marka iskuulaadka, qoysaska iyo ardaydu ay wada shaqeeyaan, waxaan gaari karnaa natiijooyinka ugu fiican. Iskaashiyadani waxay lama huraan u yihiin abuurista bay’ad dugsi oo taageerta dhamaan ardayda si ay u dareemaan lahaansho, wax ku baran karaan isla markaasna ku kobci karaan. Markaad tahay waalid iyo daryeele, waxaad door muhiim ah ka ciyaareysaan sidii ilmahaaga aad uga caawin lahayd inuu fahmo oo uu isla markaasna ku dhaqmo dhaqamada la filan karo ee ay dadku wadaagaan.

Sida ay ardaydu u soo bandhigaan hab-dhaqanka laga filan karo

Marka iskuulka la joogo, dhamaan ardayda waxa laga filayaa inay muujiyaan ixtiraam, badbaado, iyo howlkarnimo. Dabeecadahani waxay gacan ka geystaan sidii iskuulaadku ay u noqon lahaayeen meel uu qof kastaa ku guulaysan karo.

Ardeydu waxay la yimaadaan hab-dhaqankan laga filan karo marka ay muujiyaan ixtiraam, badbaado iyo hawlkarnimo.

Mid ixtiraam leh

Amaan

Wax-ka-qabanaya

Sida ay waalidiinta iyo daryeelayaashu u caawin karaan

Marka aad noqotaan kuwo lagaga dayan karo isla markaasna dhiirigeliya habdhaqanka wanaagsan, waxaad ka caawintaa ilmahaaga inuu kobciyo xirfadaha iyo caadooyinka ay u baahan yihiin si ay guulo uga soo hooyaan dugsiga. Marka ay qoysaska iyodugsiyadu wada shaqeeyaan, ardaydu waxay gaari karaan natiijada ugu wanaagsan.

Waalidiinta iyo daryeelayaashu waxay gacan ka geysan karaan sidii ay uga taageeri lahaayeen ilmahooda in hab-dhaqankooda uu noqdo:

Mid ixtiraam leh

Amaan

Wax-ka-qabanaya

Waxaan ognahay in ardayda qaar iyo qoysaskoodu ay la halgamayaan imaanshaha dugsiga ama la kulmaan iskuul diidis. Waa kuwan qaar ka mid ah agabyada ku caawin kara:

Sida ay dugsiyadu uga caawiyaan ardayda sidii ay ula imaan lahaayeen habdhaqanka laga filan karo

Marka ardayda la baro laguna xoojiyo hab-dhaqanka togan, dugsiyadu waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan, badbaado leh isla markaasna caddaalad ah diiradana lagu saarayo barashada iyo samaqabka.

Iskuulaadku waxay taageeraan qoysaska iyo ardayda iyagoo u muujinaya xushmad, jawi nabdoon iyo howlkarnimo.

Mid ixtiraam leh

Amaan

Wax-ka-qabanaya

Waaxda waxbarashadu waxay dugsiyada siisaa agab iyo taageero si ay u wanaajiyaan hab-dhaqanka ardayda isla mar ahaantaasna u kobciyaan xiriir togan oo ka dhexeeya dugsiyada, ardayda iyo qoysaska.

Meelaha ay waalidiinta iyo daryeelayaashu ka raadsan karaan caawimaad

Haddii aad ka welwelsan tahay badqabka, dhaqanka ama badbaadada ilmahaaga waxaad awoodaa samayn:

Macluumaadka soo socda ayaa sidoo kale la heli karaa:

Education & training

Updated 27 March 2026



About the VIC Government

Grants and programs

Jobs and careers

Arts, culture and heritage

Business and the workplace

Communities

Education and training

Environment, water and energy

Finance and economy

Health and social support

Housing and property

Law and justice

Safety and emergencies

Science and technology

Sport and recreation

Traffic and transport

Working in the Victorian Government