Qalabka Xanaanada (Kinder Kits) - Soomaali (Somali)
Laga bilaabo 2025, ilmo kasta oo ka diiwaangashan barnaamijka Xannaanada caruurta ee loogu talagalay caruurta saddex jirrada ah ayaa waxay in lagu maalgeliyo Qalabka (Kinder Kit) Kinder-ka.
Hage loogu talagalay Qoysaska

Ku saabsan Qalabkaaga Xanaanada
Inaad ubadkaaga ku mashquuliso ciyaaraha waa qaab fiican oo aad ku taageeri karto waxbarashadooda iyo horumarkooda. Waalidiinta, daryeelayaasha iyo qoysaska ayaa ah dadka ugu muhiimsan ee safarkaas.
Qalabka Xanaanada waxaa ka buuxa buugaag, alaabo waxbarasho oo lagu ciyaaro iyo waxqabadyo loo sameeyay ilmahaaga iyo qoyskaaga si ay ugu baashaalaan markay guriga joogaan.
Xirmo kasta oo ah qalabka xanaanada waxaa ku jira waxyaabo si gaar ah loogu sameeyay carruurta saddex jirrada ah.

Barashada Sanadaha Hore ee Victoria iyo Qaab-dhismeedka Horumarinta
Macalimiinta ilmanimada hore iyo barayaashu waxay ka caawiyaan ilmahaaga inuu koro oo waxbarto.
Barnaamijyada Xanaanada carruurta waxay isticmaalaan Qaabdhismeedka Waxbarashada Sanadaha Hore ee Victoria (Early Years Learning and Development Framework - VEYLDF) si ay u hagto waxbarashada iyo horumarka carruurta.
Wax kasta oo ku jira Xannaanada waxay ku xirayaan 1 ama in ka badan oo ah natiijooyinka ku jira VEYLDF.
- Aqoonsiga
- Barashada
- Bulshada
- Wadahadalka
- Badqabka
Boorsada dhabarka
Qalabka xanaanada waxaa la isticmaali karaa maalin kasta si loogu qaato alaabaha iyo sidoo kale in lagu ciyaaro.
Ilmahaagu waxa uu wax ku sawiri karaa summada kartoonada ee xagga dambe, si ay u ogaadaan boorsada dhabarka lagu qaato ee ay ayagu leeyihiin.
Shiinyeerka ka fur boorsada oo geli Velcro-ga si aad ugu isticmaasho ciyaar khayaali ah.

- Dhuuji ama debci xargaha dhabarka si ay bacdu ugu fadhiisato ilmahaaga dhabarkooda.
- Istiikarada ku samee sheekooyin hal-abuur leh
- Ku dhiiri geli inaad ku sawirto calaamada magaca loogu talagalay.
- Ku celceli xirfadaha la sameeyo qoritaanka kahor.
Akhriska
Wax-akhrisku waa hab fiican oo aad qoys ahaan waqti ku wada qaadan kartaan. Waa mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee kor loogu qaadi karo waxbarashada.
Inaad ilmahaaga la wadaagto sheekooyin joogto ah waxay ka caawinaysaa inay horumariyaan male-awaalkooda iyo eray-bixintooda.

- Wadajir iu doorta buug.
- Raadi meel fiican oo aad intaad fariisato wax ku aqrin karto.
- Weydii ilmahaaga waxa soo socda ee sheekada aad u aqrinayso ah.
- Ku akhri codad kala duwan si aad isaga dhigtid dadka kala duwan ee ay sheekadu ku saabsan tahay.
Sawiritaanka iyo wax calaameynta
Wax sawirista iyo calaamadayntu waxay carruurta u ogolaaneysaa inay si halabuur leh isu muujiyaan oo ay kalsoonidooda dhisaan. Adigoo u ogolaanaya inay isticmaalaan qalimada midabka leh iyo waraaq, carruurta:
- ku da’daal inay si wanaagsan u isticmaali karaan xubnaha jirkooda, taas oo muhiim u ah inay bartaan sida wax loo qoro
- hormari gacmahooda iyo indhahooda sida ay isula shaqeeyaan
- baro midabada, qaababka, calaamadaha iyo khadadka
- muuji hal-abuurnimo
- la hadal dadka kale.

- Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu ku raaxaysto habka sawirka.
- Weydii su’aalo furan si uu ilmahaagu uga hadlo sawirka ay sawireen.
- Magacow midabada iyo qaababka kuu muuqda.
Xarakaadka hal abuurka leh
Ciyaaraha hal abuurka leh waxay kicisaa dhammaan 5ta dareen ee ilmahaaga - aragga, urta, maqalka, taabashada iyo dhadhanka. Waa hab madadaalo leh oo lagu sahamiyo, lagu ogaado laguna barto adduunka nagu hareereysan.

- Ku dhiiri geli adkeysiga adigoo tusaya ubadkaaga inay caadi tahay inay mar kale soo bilaabaan. Haddii waxa la isku dhedhajiyay ay kala daataan, xoogaa yar intaad neefsato hadana markale isku dheji.
- Isku day inaad cajiinka ka sameyso kubbad, qaabab kala duwan ka samee, kala bixi, isku majuuji.
- Wadajir isu sameeya muusig. Samee laxan iyo garaacyo kala duwan adiga oo sacab tumaya ama taabanaya alaabaha guriga kuu yaal.
Ciyaarta bannaanka
Ciyaarta bannaanka ee la kormeero waa qayb weyn oo ka mid ah korriinka, horumarka iyo fayoobaanta ilmahaaga.
Carruurtu waxay awoodaan:
- kobci fahamkooda sayniska iyadoo la eegayo mustaqbilka
- yeello dareen madaxbannaan
- inay qaab bulsheysan ula falgalaan carruurta kale
- sahami oo baro inaad samayso doorashooyin wanaagsan marka aad ciyaareyso
- kobci dhaqdhaqaaqa jirka oo dhan, gacmaha iyo indhaha sida ay u wada shaqeeyaan iyo xirfadaha dhaqdhaqaaqa jirka iyo hal abuurrista.

- Ka hadal caleemaha geedaha oo magacow midabada iyo qaababka kala duwan.
- Isla abuura geedo.
- Xiriir la yeesha abuurista alle ee kala duwan. Ka hadal sida looga taxadaro meelaha aan ku noolnahay.
- Guri laga sameeyay carro in la dhiso.
Ciyaar riwaayadeed
Ciyaarta riwaayaddu waxay ku dhiirigelisaa carruurta inay jilaan sheekooyin khiyaali ah oo ay qaataan doorarka jilayaasha kale.
Carruurtu waxay isticmaalaan ciyaar riwaayadeed si ay ugu celceliyaan luqadda iyo xirfadaha bulshada muhiimka u ah, oo ay ku jiraan:
- sahaminta iyo abuurista adduunyo cusub
- in wax la isla wadaago oo qofba qofka kale uu tookadiisa wax ka sugo
- qaababka laisku dhexgalo isla markaasna wadaxaajoodka loo sameeyo.

- Ku sheeg xayawaanka luuqada Ingiriiska iyo luqado kale.
- Samee jilayaal.
- Samee sheekooyin.
- Isticmaal xayawaanada si aad u sahamiso sidoo kalena aad u muujiso dareeno kala duwan.
Ciyaaraha
In lala ciyaaro qoyska iyo asxaabta waa hab fiican oo lagu dhiso xirfadaha bulsho ee ilmahaaga.
Ciyaaruhu waxay ka caawin karaan carruurta inay bartaan tirada, luqadda iyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka.

- Baro qawaaniinta ciyaarta oo isku day inaad sugto meertadaada.
- Xooji xirfadaha lagu xaliyo dhibaatooyinka iyo xirfadaha.
- Kawada hadla tirooyinka oo isku day inaad tirisaan waxyaabaha.
Dhisida bulsho
Ciyaartu waa sida ay carruurtu u ogaadaan oo u bartaan naftooda iyo adduunka ku xeeran. Carruurta, cayaarta iyo barashadu waa is dhinac socdaan. Alaabta ku jirta Xirmadaada Xanaanada waxay kaa caawimaysaa inaad yeelato wada hadal ku saabsan kala duwanaanshiyaha iyo dhaqamada kala duwan.

- Kala hadal ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan wadamada kale iyo xayawaanada wadamadaas ku nool.
- Fiiri khariidadda adduunka si aad u aragto halka ay ka soo jeedaan luqadaha kala duwan.
In la ixtiraamo aqoonsiga/dhaqanka
In lagu dhiirigeliyo carruurta inay wax ka bartaan dhammaan dhaqamada waxay dhistaa faham, aqbalaad iyo kalsooni. Dhaqamada Aborijiniska iyo Torres Strait Islander, iyo kuwa halkan Victoria, dhaqamada Koorie, ayaa maanta nool oo kobcaya. Waxaan ku faraxsan nahay inaan u dabaaldegno qorayaasha iyo farshaxamiistayaasha ku jira xirmada.
Waa kuwan qaar ka mid ah waxqabadyada ka caawin kara ilmahaagu inuu wax badan ka barto caadooyinka iyo dhaqamada Koorie:

- Baro calaamadaha Koorie ee loo isticmaalo waxyaabaha kala duwan ama xayawaanka.
- Baro oo ka hadal dhaqamada Koorie, hogaamiyayaashooda iyo geesiyaashooda.
- Wax ka baro muhiimadda ay leedahay in dalka loo aqoonsado.
Buugaagta Auslan
Auslan waa luqadda dhegoolaha ee lagu isticmaalo Barnaamijka Luuqadda Carruurnimada Hore ee Victoria. Barnaamijkan waxa laga heli karaa Xannaanooyinka carruurta qaarkood.
Waxaa jira faa’iidooyin badan oo ay carruurtu ka heli karaan barashada luqad kale inta ay yaryihiin, waxaana ka mid ah:
- xirfadaha aqrinta iyo qorida oo usii kordha
- fikirka dabacsan ee la hormariyay
- kalsoonida iyo badqabka oo kor loo qaado
- aqoonsi dhaqan oo la xoojiyey.
Buugaag badan oo lagu daray Xirmada Xanaanada waxay lagu fasiray Auslan la heli karo.

- Ku muuji dareenka Auslan.
- Ku dheh helloow Auslan.
Badbaadada ilmaha, ladnaanta iyo taageero dheeraad ah
Ma jirto wax ka muhiimsan badbaadada iyo badqabka carruurta. Weydii adeegaaga sida ay u xaqiijiyaan amniga carruurta.
Dhamaan Carruurtu siday wax u bartaan waa ay ku kala duwan yihiin sidoo kalena xawaaraha ay wax ku bartaan isku mid maaha. La hadal macalinka ilmanimada hore haddii aad wax walaac ah qabtid. Haddii adiga ama ilmahaagu aad u baahan tihiin taageero dheeraad ah, caawimo ayaa la heli karaa iyada oo loo marayo waddooyinka soo socda:

- Samayso ballan si aad u aragto dhakhtarkaaga ama hooyada iyo ilmaha kalkaalisada caafimaadka si aad ugala hadasho su’aallahaaga.
- Ka wac khadka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka 13 22 29 ee loogu talagalay qoysaska ku nool Victoria ee ay u joogaan carruur da’doodu tahay ilaa 6 jir, 24 saacadood maalintii, 7 maalmood isbuucii.
Shaqooyinka Waxbarashada Carruurnimada Hore
Tixgeli inaad shaqo ka bilowdo xannaanada caruurta Victoria ee sii kobcaysa. Si lagaaga caawiyo inaad noqoto macalin caruurnimada hore ama qof wax bara, waxaa jira:
- fursadaha waxbarasho oo siyaabo kala duwan loo sameyn karo
- deeq waxbarasho
- dhiirigelin dhaqaale.

Ku deeqida Qalabkaaga Xanaanada
Marka ilmahaagu uu ka bogto qalabka xannaanada fadlan si masuuliyad leh isaga tuur.
Haddii ay alaabadu wali fiican tahay, isku day inaad ugu deeqdo hay’ad samafal. Weydii naftaada ‘ma siin karaa tan saaxiib?’. Hadday jawaabtu haa tahay, markaas waa ay ku habboon tahay in la sadaqeeyo.
Haddii alaabtaadu aanay ku habboonayn in la sadaqaysto, fadlan ku rid si dib loogu habeeyo iyaga markay suurtowdo.
Yaraynta iyo qashin u tuurida si munaasab ah meeshii loogu talagalay in loogu tuuro waxay gacan ka geysanaysaa in Victoria laga dhigo meel nadiif ah, oo cagaaran.

Updated 18 February 2026
About the VIC Government
- The Premier and ministers
- Find a Vic Gov department, agency or service
- Strategies and policies
- Inquiries and royal commissions
Grants and programs
Jobs and careers
Arts, culture and heritage
Business and the workplace
- Mentally Healthy Workplaces Framework
- Portable Long Service Authority
- Victoria’s racing industry
- Workforce Inspectorate Victoria
- Liquor licensing, sale and supply
Communities
- Children
- First Peoples - State Relations
- Finding records
- Gender equality & women’s leadership
- LGBTIQA+ equality
- Multicultural communities
- Seniors Online
- Veterans support and commemoration
- Volunteering in Victoria
- Youth Central
Education and training
- Victorian Early Childhood Regulatory Authority
- Early childhood education – information for professionals
- Kinder: Best Start, Best Life
- Education – information for parents
- Schools.Vic - information for schools
- Education grants, programs, awards and events
- PROTECT
- TAFE, training and universities sector
- TAFE Victoria
- Victorian Skills Authority
- Apprenticeships Victoria
- Learn Local
Environment, water and energy
Finance and economy
Health and social support
- Family violence reform
- NDIS Worker Screening Check
- NDIS and disability services and support in Victoria
- Patient Review Panel
- Transforming Trauma Victoria
Housing and property
Law and justice
- Adoption
- Births, deaths and marriages
- Honorary justices
- Machete ban
- Safeguarding Victorians against terrorism
- Stolen Generations Reparations Package
- Victims of Crime
- Victorian Racing Tribunal
Safety and emergencies
- Emergency Recovery Victoria
- Victorian Emergency Relief and Recovery Foundation
- Emergency Recovery Resource Portal
- How well do you know fire
- Fire Services Reform
- Water safety
- Marine Search and Rescue
Science and technology
- Data sharing and open data
- Data.vic - discover and access Vic Gov open data
- Developer.Vic - portal for API developers
- Go.vic URL shortener
- Vic Gov IT project dashboard
- Victoria’s free public wi-fi network
- Cyber security in the Victorian Government
Sport and recreation
Traffic and transport
- Cameras Save Lives
- Transport Fines
- Getting Around
- Transport Planning
- Transport Future
- Climate Change and transport
- Future Directions For Transport
- Transport projects
- Ports and Freight
Working in the Victorian Government
- Single Digital Presence home
- Accommodation and Library Services
- Executive employment in the Victorian public sector
- Budget, procurement and funding
- Careers in the Victorian Government
- Council and Regulator Toolkit
- Guidelines for working in government
- Join a government network
- Standards and guidelines
- VicFleet CarPool
- Victorian Government style guide