Istaraatiijiyada looga hortagayo cunsuriyadda ee Victoria 2024 ilaa 2029 (Victoria’s anti-racism strategy 2024-2029) - Soomaali (Somali)
Istaraatiijiyada dowlada ee ka dhanka ah cunsuriyadda ee ugu horraysa waa qorshe 5 sano ah oo lagu joojinayo cunsuriyadda iyo takoorka gobolka Victoria.
On this page
Victoria’s anti-racism strategy in Somali PDF 1.13 MB (opens in a new window)
Markaan si wadajir ah u shaqeyno, waxaan dhisi karnaa Victoria cadaalad, iyo amni leh oo uu qof walbaa dareemayo inuu qeyb ka yahay bulshada.
Waa maxay cunsuriyad?
Cunsuriyadu waa nooc ka mid ah takoorka taas oo dadka loola dhaqmo si aan caddaalad ahayn sababo la xiriira midabkooda ama isirkooda. Waxaa ka mid ah aflagaado, kala saarid ama in aan qofka la siin fursad la mid ah tan dadka kale ay heleen.
Cunsurinimada waxay usoo shaac bixi kartaa siyaaba badan. Istaraatiijiyadani waxay diiradda saaraysaa sidii wax looga qaban lahaa cunsuriyadda ka dhex jirta:
- bulshada
- ururada iyo hay’adaha
- sharciyada, siyaasadaha iyo nidaamyada.
Aragtideena
In la helo Victoria xor ka ah midab-takoorka iyo cunsuriyada, oo ay dhamaan dadka reer Victoria helayaan xuquuq siman, xorriyad iyo in la xaq-dhowro, ayna ku dhex kobcaan bulsho amni leh, caafimaad qabta isla markaasna is taageerta.
Istaraatiijiyadu waxay leedahay 4 hadaf oo lagu dhimayo midab-takoorka iyo cunsuriyada Victoria:
- Hadafka Koowaad: dabeecadaha, dhaqamada iyo caqiidooyinka cunsuriyadda in la ogaado, laga hortago isla markaasna la diido.
- Hadafka Labaad: Adeegyada dawladda iyo goobaha shaqadu waa inay noqdaan meelo ammaan ah, oo loo wada siman yahay isla mar ahaantaasna aan wax takoor ah kajirin.
- Hadafka Saddexaad: Cunsuriyada iyo takoorku inaysan caqabad kusii ahaan ka-qaybgelida, horumarka, badbaadada iyo guulaha dhamaan qaybaha nolosha oo dhan.
- Hadafka Afaraad: Dadka lagu sameeyo midab-takoorka waxay heli doonaan adeegyo iyo taageerooyin dhaqan ahaan badbaado leh.
Sidii aan ku gaari laheen aragtideena
Istaraatiijiyadda looga hortagayo cunsuriyadda waxay:
- soo bandhigi doontaa olole gobolka oo dhan laga dhaqangelinayo si wax looga qabto cunsuriyadda ka jirta isboortiga bulshada
- taageerida ficilka ay bulshadu hogaamiso si looga hortago cunsuriyadda heerka deegaanka
- xoojin doontaa xaq-dhowrka iyo sharciyada ka dhanka ah hadalada iyo dhaqanka nacaybka leh
- hormarin doontaa habka ay ururada kormeera cabashooyinka uga falceliyaan warbixinnada cunsuriyadda
- yareyn doontaa midab-takoorka iyo cunsuriyada dhanka booliiska
- hagaajin doontaa sida milkiilayaasha loo shaqeeyo iyo ururadu uga hortagaan ugana jawaabaan cunsuriyadda
- taageeri doontaa shabakadaha taageerada cunsuriyadda deegaanka ee loogu talagalay dadka la kulmay cunsuriyadda.
Waxaan cabbiri doonaa saamaynta istaraatiijiyadu ku leedahay dhimista cunsuriyadda isla mar ahaantaasna waxaan bulshada la wadaagi doonaa horumarkayaga.
Waa maxay sababta aan ugu baahanahay istaraatiijiyadaan
Waxaan nahay dad kala duwan
- 30% dadka Victoria ku nool waxay ku dhasheen dalka dibadiisa
- 8% dadka ka soo jeeda Qowmiyadihii ugu Horeeyay ee Australia waxay ku nool yihiin Victoria
- Dadka reer Victoria waxay kasoo kala jeedaan in ka badan 300 oo abtirsiinyo kala duwan, waxayna ku hadlaan 290 luqadood iyo lahjado, waxayna ku dhaqmaan ku dhawaad 200 oo diimo kala duwan ah
Cunsurinimada waa dhibaato wali taagan
- Sannadkii 2022, 3 ka mid ah 5tii Qof ee ah Qowmiyadihii ugu Horeeyay (60%) ayaa sheegay inay la kulmaan cunsurinimo ka jirta gudaha Australia
- Sannadkii 2023, 1 qof oo ka mid ah 5tii qof (18%) ayaa sheegay inay la kulmeen cunsurinimo ka jirta gudaha Australia
- 3 ka mid ah 5-tii qof ee Australiyaan ah (63%) ayaa ka qaba aragti togan soogalootiga ka yimid Aasiya, Afrika ama Bariga Dhexe ama aaminsan in diinta aan Masiixiga ahayn ay ka qabaan aragtiyo aan wanaagsaneyn.
- 3 ka mid ah 5-tii qof ee Australiyaan ah (62%) waxay cunsuriyadda u arkaan dhibaato ‘aad u weyn’
Xog badan oo aan lahayn iyo kalsooni badan oo aysan bulshadu ku qabin adeegyada waxay ka dhigan tahay in cunsuriyada aan markasta lasoo sheegin.
Dadka\ aan la hadalnay
Waxaan waraysanay in ka badan 670 qof oo reer Victoia ah kuwaas oo ka soo jeeda Qowmiyada Koowaad, bulshooyinka dhaqamada iyo bulshooyinka leh diimaha kala duwan. Kuwaas waxaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada, khubarada iyo shaqaalaha safka hore.
In la soo sheego cunsuriyadda ka jirta Victoria
Maaha in loo dulqaato cunsuriyadda. Haddii aad la kulanto ama aad marqaati ka noqoto cunsuriyad ama takoor ka dhacay Victoria, waad soo sheegi kartaa.
Fursadaha Loo Siman Yahay ee Victoria iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka (Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission)
Wac 1300 292 153 maalmaha shaqada laga bilaabo 10-ka subaxnimo ilaa 2-da galabnimo. Haddii aad u baahan tahay turjubaan lacag la’aan ah, wac 1300 152 494.
Iimayl kusoo direnquiries@veohrc.vic.gov.au
Si qarsoodi ah ama aan toos ahayn ayaad wax kasta u soo sheegi kartaa
La xidhiid Adeegga Gudbinta Qaranka (National Relay Service)haddii aad tahay dhegoole, qof maqalku ku adag yahay ama hadalku dhibayo.
Booliiska Victoria
Wixii xaalad degdeg ah, si aad usoo sheegto fal-dambiyeed markaas dhacaya, ama aad doonayso in booliisku si degdeg ah usoo gaaraan goobta, wac lambarka Saddexda Ebar (000).
Wixii aan degdeg ahayn, wac Khadka Caawimada Booliiska 131 444 ama wac 131 450 si aad u hesho turjubaan lacag la’aan ah.
Waxaad warbixin ka samayn kartaa saldhiga booliiska deegaankaagaama internetka.
Waxaad si qarsoodi ah xogta ula soo wadaagi kartaaDembi-joojiyayaasha (Crime Stoppers) adoo soo wacaya 1800 333 000.
Si aad u hesho taageero dheeraad ah iyo siyaabo kala duwan oo aad warbixinta noogu soo gudbin karto, fadlan booqoxeeladda ka-hortagga cunsuriyadda ee Victoria.
Macluumaad dheeraad ah
Waxaad ka heli kartaa istaraatajiyada oo dhan oo Ingiriis ku qoran ama qoraalkan kooban oo luqado kale ku qoranonline.
Waxaad sidoo kale kawici kartaa Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada (Translating and Interpreting Service - TIS) 131 450 kawac Waaxda Madax-Goboleedka (Premier) iyo Golaha 03 9651 5111 wixii macluumaad dheeraad ah.
Waxaad iimayl ugu diri kartaa Waaxda Madax-Goboleedka (Premier) iyo Golahaantiracism.strategy@dpc.vic.gov.au
Updated 27 November 2024
About the VIC Government
- The Premier and ministers
- Find a Vic Gov department, agency or service
- Strategies and policies
- Inquiries and royal commissions
Grants and programs
Jobs and careers
Arts, culture and heritage
Business and the workplace
- Mentally Healthy Workplaces Framework
- Portable Long Service Authority
- Victoria’s racing industry
- Workforce Inspectorate Victoria
- Liquor licensing, sale and supply
Communities
- Children
- First Peoples - State Relations
- Finding records
- Gender equality & women’s leadership
- LGBTIQA+ equality
- Multicultural communities
- Seniors Online
- Veterans support and commemoration
- Volunteering in Victoria
- Youth Central
Education and training
- Victorian Early Childhood Regulatory Authority
- Early childhood education – information for professionals
- Kinder: Best Start, Best Life
- Education – information for parents
- Schools.Vic - information for schools
- Education grants, programs, awards and events
- PROTECT
- TAFE, training and universities sector
- TAFE Victoria
- Victorian Skills Authority
- Apprenticeships Victoria
- Learn Local
Environment, water and energy
Finance and economy
Health and social support
- Family violence reform
- NDIS Worker Screening Check
- NDIS and disability services and support in Victoria
- Patient Review Panel
- Transforming Trauma Victoria
Housing and property
Law and justice
- Adoption
- Births, deaths and marriages
- Honorary justices
- Machete ban
- Safeguarding Victorians against terrorism
- Stolen Generations Reparations Package
- Victims of Crime
- Victorian Racing Tribunal
Safety and emergencies
- Emergency Recovery Victoria
- Victorian Emergency Relief and Recovery Foundation
- Emergency Recovery Resource Portal
- How well do you know fire
- Fire Services Reform
- Water safety
- Marine Search and Rescue
Science and technology
- Data sharing and open data
- Data.vic - discover and access Vic Gov open data
- Developer.Vic - portal for API developers
- Go.vic URL shortener
- Vic Gov IT project dashboard
- Victoria’s free public wi-fi network
- Cyber security in the Victorian Government
Sport and recreation
Traffic and transport
- Cameras Save Lives
- Transport Fines
- Getting Around
- Transport Planning
- Transport Future
- Climate Change and transport
- Future Directions For Transport
- Transport projects
- Ports and Freight
Working in the Victorian Government
- Single Digital Presence home
- Accommodation and Library Services
- Executive employment in the Victorian public sector
- Budget, procurement and funding
- Careers in the Victorian Government
- Council and Regulator Toolkit
- Guidelines for working in government
- Join a government network
- Standards and guidelines
- VicFleet CarPool
- Victorian Government style guide